Sacuudi Carabiya Oo Mar Kale Xaqiijisay Taageerada Midnimada iyo Madaxbannaanida Soomaaliya

0

Riyaad – Golaha Wasiirrada Dowladda Sacuudi Carabiya, oo uu shir-guddoominayay Boqor Salman bin Abdulaziz, ayaa mar kale adkeeyay mowqifka Boqortooyada ee ah diidmada wax kasta oo lagu kala qaybinayo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ama lagu wiiqayo madaxbannaanideeda.

 

Bayaan laga soo saaray shirka Golaha Wasiirrada ayaa lagu sheegay in Sacuudi Carabiya ay si buuxda u taageersan tahay midnimada, wadajirka dhuleed iyo qaranimada Soomaaliya, ayna ka soo horjeeddo abuurista hay’ado ama maamulo is barbar socda oo lid ku ah jiritaanka Qaranka Soomaaliyeed.

Goluhu wuxuu sidoo kale muujiyay taageerada Sacuudiga ee go’aannadii kasoo baxay shir degdeg ah oo ay yeesheen Wasiirrada Arrimaha Dibadda dalalka ku mideysan Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), kaas oo looga hadlay xaaladda Soomaaliya, kuna qabsoomay magaalada Jeddah.

26-ka December, Dowladda Israel ayaa si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland, oo ah gobol ku yaalla waqooyiga Soomaaliya kana go’ay dalka sannadkii 1991-kii.

Israel ayaa noqotay dalka kaliya ee caalamka ee si buuxda u aqoonsada Somaliland inay tahay dowlad madax-bannaan, tallaabadaas oo dhalisay dhaleeceyn ballaaran.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dalal kale oo caalamka ah ayaa si adag u cambaareeyay go’aanka Israel, iyagoo ku tilmaamay mid ku xadgudbaya midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Go’aankan ayaa sidoo kale abuuray walaac siyaasadeed iyo mid amni, iyadoo falanqeeyayaal ay sheegayaan inuu saameyn ku yeelan karo xasilloonida Geeska Afrika iyo xiriirka caalamiga ah ee gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here