Laascaanood – Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta guddoomiyay shir amni oo ka dhacay magaalada Laascaanood.
Shirka ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga iyo diyaar-garowga munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Waqooyi Bari. Waxaa la isla qaatay qorshayaal amni oo dhammeystiran si loo xaqiijiyo nabadgelyo buuxda inta ay socoto munaasabadda.
Musaabadaasi ayaa la filayaa inuu waqtiyadda dhow uu tago madaxweynaha jumhuuriyadda Federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo wafood hordhac u ah safarka madaxweynaha haatan ay ku suganyihiin Magaalada Laascanood Ee Xarunta Gobolka Sool.




