WASHINGTON – Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa ku dhawaaqay go’aan lagu soo afjarayo Sharciga Badbaadada Ku-meel-gaarka ah (TPS) ee ay ku joogaan boqolaal muwaadiniin Soomaaliyeed gudaha Mareykanka, tallaabo la filayo inay saameyn weyn ku yeelato qoysas badan.
Xoghayaha Amniga Gudaha ee Mareykanka, Kristi Noem, ayaa sheegtay in go’aankaasi uu dhaqan geli doono 17-ka March 2026, taasoo ka dhigan in Soomaalida ku sugan dalka ee ku tiirsan TPS ay waayi doonaan oggolaanshaha shaqada iyo ka ilaalinta masaafurinta.
Noem ayaa ku dooday in xaaladda amni iyo tan bini’aadantinimo ee Soomaaliya ay soo hagaagtay, isla markaana aysan mar dambe buuxin shuruudihii lagu sii joogteyn lahaa TPS.
“Xaaladda Soomaaliya waxay gaartay heer aysan hadda u baahnayn ilaalinta TPS. Waxaan mudnaanta siinaynaa dadka Mareykanka ah,” ayay tiri.
Maamulka Trump ayaa sidoo kale sheegay in inkastoo ay weli jiraan dagaallo u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo kooxda Al-Shabaab, haddana ay jiraan deegaanno ay ku tilmaameen kuwo ammaan ah oo dib loogu celin karo dadka, iyagoo tusaale u soo qaatay gobollo ay ka mid yihiin Somaliland.
Go’aankan ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan xiisadaha u dhexeeya dowladda federaalka iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota, halkaas oo ay ku nool yihiin Soomaalida ugu badan ee Mareykanka ku dhaqan.
Bilihii la soo dhaafay, maamulka Trump ayaa sheegay inuu Minnesota u diray ciidamo dheeraad ah iyo saraakiil socdaal, isagoo ku sababeeyay baaritaanno la xiriira eedeymo musuqmaasuq oo ku saabsan xarumaha carruurta lagu xanaaneeyo (daycare), eedeymahaas oo ay dowladda federaalku sheegtay inay ku lug leeyihiin dad Soomaali ah.
Dhanka kale, xiisadda ayaa cirka isku shareertay kadib markii askari ka tirsan hay’adda socdaalka ee ICE uu magaalada Minneapolis ku toogtay haweeney Mareykan ah oo lagu magacaabi jiray Renee Good. Dhacdadan ayaa dhalisay dibadbaxyo ballaaran iyo dacwado sharci oo ay dowladda gobolka Minnesota ka gudbisay maamulka federaalka.
Inkasta oo maamulka Trump uu si rasmi ah u cayimay taariikhda dhammaadka TPS, haddana qareenno iyo ururo u dooda xuquuqda muhaajiriinta ayaa sheegay inay qorsheynayaan inay dacwad ka furaan maxkamadaha federaalka si loo hakiyo go’aanka.
Kiisas hore oo la xiriiray dalal kale sida Honduras iyo Nicaragua ayaa muujiyay in maxkamaduhu mararka qaar hakiyaan go’aannada noocan ah, taasoo rajo u abuurtay Soomaalida ku nool Mareykanka ee ku jira TPS.



