Danjiraha Soomaaliya ee Ruushka oo warqadihiisa aqoonsiga u gudbiyay Madaxweyne Vladimir Putin

0

Moscow – Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Ruushka, Mudane Mohamed A. Zubeyr, ayaa maanta warqadihiisa aqoonsiga (Letters of Credence) si rasmi ah ugu gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ruushka, Mudane Vladimir Putin, munaasabad ka dhacday magaalada Moscow.

 

Danjire Mohamed A. Zubeyr ayaa sheegay in munaasabaddan ay tahay mid astaan u ah marxalad muhiim ah oo ka mid ah sooyaalka diblomaasiyadeed ee noloshiisa, isla markaana uu sharaf weyn u arko in loo xilsaaro matalaadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ruushka.

Danjiraha ayaa uga mahadceliyay dowladda Ruushka soo dhoweyntii diirranayd iyo fursadda qaaliga ah ee la siiyay, isagoo xusay in tallaabadani ay muujinayso kalsoonida lagu qabo iyo sida ay Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta xiriir laba-geesood ah oo ku dhisan ixtiraam, is-faham iyo iskaashi wax-ku-ool ah.

Mudane Zubeyr ayaa tilmaamay in xilligan ay dunidu wajahayso isbeddello waaweyn oo dhanka duruufaha caalamiga ah, danaha istaraatiijiyadeed iyo isbahaysiyada cusub, taas oo ka dhigaysa wada-hadalka iyo iskaashiga dalalka mid ka sii muhiimsan sidii hore.

Waxa uu muujiyay rajadiisa ah in uu si daacad ah uga shaqeyn doono xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Ruushka, ballaarinta meelaha ay labada dal wadaagaan danaha guud, iyo horumarinta iskaashi qoto dheer oo ku dhisan diblomaasiyad iyo wada-tashi joogto ah.

Danjiraha ayaa sidoo kale u mahadceliyay dhammaan dadka garab istaagay intii uu ku jiray safarkiisa diblomaasiyadeed, isagoo si gaar ah ugu mahadnaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Hassan Sheikh Mohamud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here