Laascaanood – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u gaaray magaalada Laascaanood, oo ah xarunta Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.
Madaxweynaha iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Laascaanood, waxaana halkaasi ku qaabilay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka, taliyeyaasha ciidammada amniga, madax ka socday dowlad-goboleedyada, odayaal dhaqameed, waxgarad, iyo boqolaal ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.
Ujeeddada safarka Madaxweynaha ayaa la xiriirta ka qeybgalka munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, oo diyaargarowgeedu maalmahan socday, waxaana la filayaa in xafladdu ka dhacdo magaalada Laascaanood, iyadoo amniga si weyn loo adkeeyay.
Inta uu ku sugan yahay Laascaanood, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la filayaa inuu kulamo la yeesho mas’uuliyiinta maamulka, qeybaha kala duwan ee bulshada, isla markaana laga wada hadlo xaaladda guud ee dalka, horumarinta nabadda, iyo xoojinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.





