Laascaanood – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta gaaray magaalada Laascaanood, oo ah caasimadda Dowlad-Goboleedka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya.
Safarkan ayaa lagu tilmaamay mid taariikhi ah, maadaama uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud noqday madaxweynihii xil haya ee ugu horreeyay ee booqda Laascaanood muddo ku dhow (afartan sano). Magaalada Laascaanood ayaa dhowaan ka soo kabaneysay colaado iyo xaalado amni darro oo soo jiitamayay.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa isaguna booqashadan ka dhigaysa tiisii labaad ee rasmi ah ee uu ku tago Laascaanood, iyadoo safarkiisu ku soo beegmayo munaasabadda caleema-saarka hoggaanka Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.
Booqashada Madaxweyne iyo Ra’iisul Wasaareyaasha ayaa ujeedkeedu tahay caleema-saarka Madaxweyne Cabdikaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), oo bishii Agoosto 2025 loo doortay Madaxweynaha ugu horreeya ee Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya. Magaalada Laascaanood ayaa martigelin doonta xafladda caleema-saarka iyo kulamo wadatashi ah oo lala yeelanayo odayaasha dhaqanka, bulshada rayidka ah iyo mas’uuliyiinta deegaanka.
Ka hor imaanshaha madaxda sare ee madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha,waxaa goor sii horeysay tagay Agaasimaha Hay’adda NISA Mahad Maxamed Salaad iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janaraal Asad Cismaan Cabdullaahi oomagaalada gaaray si ay u dardar-geliyaan qorshaha amniga. Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Booliska ayaa si ballaaran loo geeyay meelaha ugu badan ee taasi oo badow lagu soo rogay magaalada inta ay socoto munaasabda caleema-saarka.
Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Golaha Wasiirrada, saraakiil ciidan iyo xildhibaano ka kala socda labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale ku sugan Laascaanood.
Booqashadan ayaa ku soo beegantay xilli ay jiraan xiisado diblomaasiyadeed oo ka taagan Geeska Afrika, waxaana Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku tilmaantay imaatinka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Laascaanood mid muujinaya midnimo qaran iyo adkeynta wadajirka ummada soomaaliyeed.






