HIIRAA– Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyey weerar ay kooxda Al-Shabaab ku soo qaadeen deegaanka Jabad Godane ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Ciidanka ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku haynta deegaanka, kaddib markii ay jab xooggan gaarsiiyeen maleeshiyaadka Al-Shabaab. War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in haatan ay socdaan hawlgallo ballaaran oo isugu jira sifeyn iyo sugid amni.
Hawlgalladan ayaa lagu beegsanayaa xubnaha Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya deegaanka, si looga hortago isku day kasta oo ay dib isugu abaabulayaan ama ay ku carqaladeynayaan nabadda iyo xasilloonida dadka deegaanka.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa war-saxaafadeedkeeda ku adkeysay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka go’an tahay sii wadidda hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, si loo xaqiijiyo amniga loona difaaco shacabka Soomaaliyeed.





