MARKA – Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Shabeellaha Hoose, Abuubakar Cabdalla Bashiir, iyo Guddoomiyaha Degmada Marka, Mudane Aadanli Axmed Maxamed, ayaa maanta booqasho ku tagay Xerada Howlgalka ee Ceeljaale, halkaas oo ay ku sugan tahay Kooxda Dagaalka ee AUSSOM.
Madaxda waxaa si diirran u soo dhaweeyay Taliyaha Kooxda AUSSOM XLIII, Gaashaanle Sare Robert Koch, oo bogaadiyay iskaashiga adag ee dhinaca amniga ah ee ka dhexeeya maamulada degmooyinka, bulshada deegaanka, Hay’adda Sirdoonka Qaranka (NISA) iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Taliyaha ayaa xusay in isku-duwidda hufan ee dhinacyadan ay door weyn ka qaadatay ka hortagga falal amni darro oo waaweyn oo laga fulin lahaa Degmada Marka. Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn joogto ah iyo wadaagga xogaha sirdoonka ee u dhexeeya ciidamada iyo bulshada.
Gaashaanle Sare Koch ayaa xaqiijiyay sida ay AUSSOM uga go’an tahay, iyada oo kaashaneysa CXDS iyo hay’adaha bah-wadaagta la ah, in la wiiqo awoodda Al-Shabaab ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Dhankiisa, Guddoomiyaha Degmada Marka, Mudane Aadanli Axmed Maxamed, ayaa ballan qaaday in maamulka degmada uu si buuxda u garab istaagi doono ciidamada AUSSOM, halka Guddoomiyaha Gobolka, Mudane Abuubakar Cabdalla Bashiir, uu bogaadiyay wada-shaqeynta ka dhaxeysa AUSSOM iyo bulshada deegaanka, taas oo uu ku tilmaamay mid laf-dhabar u ah sugidda nabadda iyo xasilloonida gobolka.






