Israa’iil oo ka walaacsan doorka sii kordhaya ee Masar ee Soomaaliya iyo Geeska Afrika

0

Tel Aviv — Israa’iil ayaa ka walaacsan tahay ballaarinta degdegga ah ee doorka milatari iyo kan diblomaasiyadeed ee Masar ay ka waddo Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika.

 

Telefishinka laga leeyahay Israa’iil ee i24 News, ayaa baahiyay warbixin sheegaysa in go’aanka Israa’iil ay ku aqoonsatay Somaliland ay Masar u aragto isbeddel istiraatiiji ah oo leh saameyn ballaaran oo gobolka ah.

Ilaha amniga Israa’iil ayaa sheegay in Masar ay dhawaan xoojisay taageerada siyaasadeed iyo midda amni ee ay siiso Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, taasoo cambaareysay aqoonsiga Netanyahu ee maamulka Somaliland.

Taageeradan ayaa lagu sheegay mid Masar uga gol leh in ay xasillooni ku soo kordhiso Soomaaliya oo weli ah dal nugul, isla markaana ay ilaaliso midnimada dhuleed ee dalka, iyadoo laga walaacsan yahay saameyn amni oo ka dhalan karta dhaqdhaqaaqyada Israa’iil ee gobolka.

Qiimeynta amni ee Israa’iil ayaa tilmaamaysa in Masar ay aqoonsiga Somaliland u fasiratay isku day lagu doonayo in lagu helo saldhig istiraatiiji ah oo u dhow marin-biyoodka Bab al-Mandab iyo Badda Cas, kuwaas oo muhiim u ah amniga qaran ee Masar, ganacsiga caalamiga ah iyo maraakiibta caalamiga ah.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in walaaca Masar uusan ku koobnayn Soomaaliya oo keliya, balse uu sidoo kale ay jirto cabsi ah in Israa’iil ay iskaashi la yeelato Itoobiya, oo kala dhaxeeya muranka la xiriira Biyo-xireenka Webiga Niil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here