Shirka arrimaha doorashooyinka oo ka furmay magaalada Muqdisho

0

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu guddoominayo Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa mudada uu socdo diirada lagu saaraya dardargelinta howlaha doorashooyinka, diyaarinta habraacyada doorashadaย  Golaha Shacabka , raadinta dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka ee aan weli soo xeroonin iyo sidii horey loogu wadi lahaa doorashooyinka dalka ka bilowday.

Sidoo kale gaba-gabada shirkan ayaa waxaa la filayaa in laga soo saaro war-murtiyeed ku aadan xaaladda dalka iyo dadar-gelinta doorashooyinka 2021-ka.

Doorashooyinka ka dhacaya dalka ayaa soo maray marxalado kala duwan, waxaana is jiid jiid muddo dheer ka soo taagnaa heshiis looga gaaray magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here