Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Guddoomiyey Shir Ku Saabsan Gurmadka Abaaraha

0

BAYDHABO – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa  guddoomiyey shir muhiim ah oo ay ka qeybgaleen Guddiga Gurmadka Abaaraha Koonfur Galbeed, culima’udiin iyo ganacsatada deegaanada Koonfur Galbeed.

 

Shirka ayaa si qoto dheer loogu falanqeeyey xaaladda abaareed ee ka jirta guud ahaan deegaanada Koonfur Galbeed, iyo sidii gargaar degdeg ah loo gaarsiin lahaa bulshada ay saameeyeen abaaruhu, gaar ahaan dadka nugul ee ku dhaqan miyiga iyo magaalooyinka.

Madaxweynaha ayaa adkeeyey muhiimadda wada-shaqeynta iyo isku-tashiga bulshada, isaga oo ugu baaqay ganacsatada, culima’udiinka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada in ay door muuqda ka qaataan gurmadka iyo badbaadinta nolosha dadka ay abaaruhu halista ku hayaan.

Sidoo kale, Madaxweyne Laftagareen ayaa faray Guddiga Gurmadka Abaaraha in ay dardargeliyaan dadaallada gargaarka, isla markaana ay si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah, si gargaar degdeg ah iyo mid waara loo gaarsiiyo dadka ay dhibaatadu saameysay.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa bogaadiyey kaalinta muhiimka ah ee culima’udiinka iyo ganacsatada ay ka qaadanayaan gurmadka abaaraha, isaga oo ku dhiirrigeliyey in la sii xoojiyo dadaallada bani’aadannimo ee lagu badbaadinayo nolosha shacabka Koonfur Galbeed.

May be an image of one or more people and textMay be an image of one or more people and dais

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here