IGAD Oo Soo Dhaweysay Ansixinta Soomaaliya ee Heshiiska Cusub ee IGAD

0

Jabuuti – Urur Goboleedka IGAD (Intergovernmental Authority on Development) ayaa soo dhoweeyay ansixinta Heshiiska cusub ee IGAD ee ay meel mariyeen Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

 

Ansixintan Baarlamaanka ayaa loo arkay tallaabo muhiim ah oo muujinaysa sida ay Soomaaliya uga go’an tahay ka-qaybgalka hababka goboleed ee lagu horumarinayo nabadda, horumarka, iyo iskaashiga dalalka Geeska Afrika.

IGAD ayaa sheegtay in go’aankan uu caddeyn u yahay ballanqaadka joogtada ah ee Soomaaliya ee ku aaddan iskaashi goboleed iyo horumar wadajir ah. Soomaaliya ayaa ku biirtay dalalka xubnaha ka ah ee horey u ansixiyay Heshiiska cusub ee IGAD, kuwaas oo kala ah Jabuuti, Itoobiya, Koonfur Suudaan, iyo Kenya.

Heshiiska Aasaaska IGAD ee sanadkii 1996 ayaa maray hannaan dib-u-habeyn iyo casriyeyn ah, si loo helo saldhig sharci iyo hay’adeed oo adkeynaya wada-shaqeynta dhinacyada nabadda iyo amniga, adkeysiga isbeddelka cimilada, kaabeyaasha dhaqaalaha, caafimaadka, ganacsiga, iyo horumarinta bulshada. Heshiiskaas ayaa hadda si rasmi ah loogu beddelay Heshiiska IGAD ee 2023.

Xoghayaha Fulinta ee IGAD, Mudane Dr. Workneh Gebeyehu, ayaa hambalyo u diray Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo amaanay Baarlamaanka iyo Dowladda doorkooda hoggaamineed.
“Waxaan hambalyo diirran u dirayaa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ansixinta Heshiiska IGAD, waxaana bogaadinayaa Baarlamaanka iyo Dowladda Soomaaliya hoggaankooda go’aan-qaadasho ee tallaabadan muhiimka ah,” ayuu yiri.

Dr. Workneh ayaa sidoo kale xusay in xilligan IGAD ay u dabaaldegayso sannad-guuradii 40-aad ee ka soo wareegtay aasaaskeeda, isla markaana ansixinta Soomaaliya ay ka caawisay ururka inuu gaaro tiradii loo baahnaa ee laba-meelood-meel (two-thirds) si heshiisku u dhaqan galo, taasoo xoojinaysa saldhigga sharci ee is-dhexgal goboleed iyo wada-shaqeyn ballaaran oo ku saabsan ganacsiga, nabadda, iyo horumar waara.

Iyadoo hadda laba-meelood meel ka mid ah dalalka xubnaha IGAD ay ansixiyeen heshiiska, gobolka ayaa u sii dhawaanaya hirgelinta qaab-dhismeedkan cusub iyo xoojinta tallaabooyinka wadajirka ah ee mudnaanta u leh horumarka gobolka.

IGAD ayaa mar kale xaqiijisay inay sii wadi doonto wada-shaqeyn dhow oo ay la yeelanayso dhammaan dalalka xubnaha ka ah, si loo hirgeliyo heshiiska loona xoojiyo is-dhexgalka goboleed ee ku wajahan Gees Afrika oo nabad ah, adkaysi leh, kana hodansan fursado horumarineed.

May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here