Doha — Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, oo booqasho rasmi ah ku jooga Dowladda Qatar, ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Qatar, Mudane Sheekh Cabdulcasiis bin Faysal bin Maxamed Aal-Thaani.
Kulanka labada Wasiir ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga amniga ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar, iyo horumarinta hababka wada-shaqeyneed ee la xiriira arrimaha amniga, gaar ahaan is-dhaafsiga khibradaha, tababarada, iyo taageerada farsamo.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee ka dhexeeya Dowladaha Qatar iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ku dhisan is-ixtiraam, dan wadaag, iyo taageero joogto ah.
Labada dhinac ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay sii xoojinta wada-shaqeynta dhinaca amniga, si looga shaqeeyo nabadda, xasilloonida, iyo horumarka labada dal iyo guud ahaan gobolka.



