ALGIERS – Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ayaa ka qeyb galaya shirka Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee wadamada qaaradda Afrika, kaas oo si rasmi ah uga furmay caasimadda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Aljeeriya ee Algiers.
Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay dhammaan Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee dalalka Afrika, waxaana diiradda lagu saarayaa xoojinta wada-shaqeynta garsoorka, is-dhaafsiga khibradaha, iyo horumarinta nidaamyada caddaaladda ee qaaradda.





