Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo Fashiliyey Weerar kooxda Al-Shabaab

0

Jubbada Hoose, Kudhaa — Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, oo ay garab taagnaayeen Ciidamada Amniga Jubbaland iyo saaxiibada caalamka, ayaa si guul leh u soo gabagabeeyay howlgal amni oo socday in ka badan 24 saacadood, kaas oo lagu fashiliyey laguna soo afjaray weerar ay Kooxda Al-Shabaab ku soo qaadeen magaalada Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose.

 

Howlgalkan wadajirka ah ayaa cadowga lagu gaarsiiyay jab culus iyo khasaare baaxad leh, iyadoo la dilay in ka badan 130 xubnood laguna dhaawacay tiro kale oo intaas ka badan, kaddib dagaal toos ah oo ay ciidamadu uga hortageen weerarka,Baa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda gaashaandhiga soomaaliya.

May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here