MUQDISHO – Ra’iisul wasaarihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Ciidamada kala duwan ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland iyo Kumaandooska Danab, guusha ay ka gaareen dagaalkii lagu jebiyay maleeshiyaadka Khawaarijta ee ka dhacay degaanka Kudhaa ee Degmada Badhaadhe.
“Waxaan halkaan hambalyo iyo bogaadin uga dirayaa Ciidamada kala duwan ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland iyo Ciidanka Danab, guushii ay maanta ka gaareen dagaalkii lagu jebiyay Al-Shabaab ee ka dhacay degaanka Kudhaa ee Degmada Badhaadhe.
Waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo geesiyaashii ku shahiiday, waxaana tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaskooda, ehelkooda, iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Jubbaland oo aan ku garab taaganahay la dagaalanka Al-Shabaab. Sidoo kale, waxaan Alle uga baryayaa caafimaad degdeg ah inuu siiyo dhammaan geesiyaashii ku dhaawacmay dagaalkaas.”
Ra’iisul wasaarihii hore ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay midnimada, wada-shaqeynta hay’adaha amniga, iyo garab istaagga shacabka ee dadaallada lagu ciribtirayo argagixisada, si loo xaqiijiyo nabad, xasillooni, iyo amni waara oo ka hirgala guud ahaan dalka.




