Madaxweynaha Puntland oo Nairobi Kulan kula Qaatay Wakiillada Beesha Caalamka

0

Nairobi, Kenya — Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta magaalada Nairobi kulan muhiim ah kula yeeshay wakiillo ka socday Beesha Caalamka, kuwaas oo ay ka mid yihiin safiirrada Qaramada Midoobey, Midowga Yurub, Boqortooyada Midowday (UK), Denmark, Norway, Canada, Germany, Sweden, iyo diblomaasiyiin sarre oo ka tirsan safaaradaha Mareykanka (USA), Switzerland, Finland, France, Netherlands, iyo Bangiga Adduunka (World Bank).

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo siyaasadda. Wakiillada Beesha Caalamka ayaa bogaadiyay dadaallada Dowladda Goboleedka Puntland ee ku aaddan la dagaallanka kooxda argagixisada ah ee Daacish, sugidda amniga deegaannada Puntland, iyo hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadeed.

Sidoo kale, kulanka waxaa si qoto dheer looga wada hadlay arrimaha bani’aadanimo, xoojinta iskaashiga horumarineed, iyo sii wadidda wada-shaqeynta u dhexeysa Dowladda Goboleedka Puntland iyo Beesha Caalamka, si loo dardar-geliyo horumarka iyo xasilloonida guud ee dalka.

Madaxweynaha Puntland waxaa kulanka ku wehliyay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Cabdi Faarax Juxa; Wakiilka Arrimaha Siyaasadda iyo Xiriirka Caalamka, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad; Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, Mudane Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan; iyo Af-hayeenka iyo Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada, Mudane Jaamac Yuusuf Dabaraani.

May be an image of one or more peopleMay be an image of one or more people

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here