MUQDISHO – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa booqday mid ka mid ah goobaha nasiinada ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu kula caweeyay qaar ka mid ah bulshada ku nool caasimadda.
Madaxweynaha ayaa si gaar ah ula kulmay dhalinyaro, isaga oo kala qayb qaatay ciyaaro kala duwan oo ay ku madadaalaan. Waxa uu ku bogaadiyay doorka muhiimka ah ee ay ka qaataan ilaalinta nabadgalyada, xoojinta is-dhexgalka bulshada, dib-u-dhiska iyo horumarka dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in dhalinyaradu ay laf-dhabar u yihiin mustaqbalka Soomaaliya, isla markaana ay door weyn ku leeyihiin dhismaha dowladnimo waarta.
Booqashadan ayaa imaaneysa xilli Soomaaliya ku jirto marxalad kala guur siyaasadeed, iyadoo dhinaca kale ay jiraan kulamo ay wadaan siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaas oo looga arrinsanayo xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo jihada mustaqbalka geeddi-socodka siyaasadeed.
Kormeerka Madaxweynaha ee goobaha bulshada ayaa loo arkaa mid muujinaya dadaallada dowladda ee ku aaddan xoojinta xiriirka u dhexeeya hoggaanka dalka iyo shacabka, gaar ahaan dhalinyarada ku nool caasimadda.






