Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo Aqbalay Gogosha Wada-hadal ee Dowladda

0

MUQDISHO – Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah u aqbalay gogosha wada-hadal ee Dowladda Federaalka Soomaaliya  ku soo bandhigtay magaalada Muqdisho.

 

Warsaxaafadeed ay soo saareen Golaha Mustaqbalka ayaa lagu sheegay in kulamada wada-hadalka lagu diiradda saari doono arrimaha muhiimka ah ee dalka, gaar ahaan khilaafaadka ka taagan doorashooyinka.

Sidoo kale, Golaha Mustaqbalka ayaa soo jeediyay in la joojiyo wax-ka-bedeelka Dastuurka, si wada-hadalka uu u noqdo mid lagu gaaro xal waara oo ku saleysan heshiis iyo is-afgarad.

Tani waxay qayb ka tahay dadaallada socda ee lagu xoojinayo xasiloonida, wadajirka siyaasadeed, iyo hannaanka dimuqraadiga ah ee Soomaaliya.

May be an illustration of textMay be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here