Kismaayo – Ciidamada Kumaandooska Danab oo kaashanaya ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa sii wada howlgallo ballaaran oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo ka socda deegaanno ka tirsan duleedka fog ee degmada Kudhaa.
Howlgalladii ugu dambeeyay ee la fuliyay ilaa xalay ayaa lagu dilay 24 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, iyadoo sidoo kale la soo qabtay labo xubnood oo kale oo dhaawac ah, kuwaas oo ku dhuumaaleysanayay dhulka howdka ah ee Kudhaa, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka.
Sidoo kale, aroornimadii saakay ayay ciidamada fuliyeen howlgal qorsheysan oo kale oo ka dhacay isla deegaankaas, kaas oo lagu dilay afar xubnood oo ka mid ahaa firxadkii Al-Shabaab ee ka baxsaday dagaalladii hore.
Dhanka kale, ciidamada ayaa weli ku raad-jooga horjooge Fu’aad Shangole, oo la xaqiijiyay inuu qabo dhaawac culus, kadib markii uu ku dhaawacmay dagaalladii ugu dambeeyay. Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in howlgalladan ay qeyb ka yihiin dadaallada lagu xaqiijinayo amniga guud iyo ciribtirka haraadiga Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya deegaannada fogfog.
Sidoo kale, wararka ka imaanaya gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in halkaasi ay ka socdaan howlgallo kale oo culus oo ay wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, kuwaas oo si gaar ah loogu bartilmaameedsanayo maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Howlgalladan isdaba-joogga ah ayaa imaanaya xilli ay dowladda Federaalka Soomaaliya dardargelinayso gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab, si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida deegaannada ay saameeyeen falalka argagixisanimo.



