Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo Kulan la Qaatay Madaxweynaha Pakistan

0

Islamabad – Wafdi uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Xoosh, oo ay wehlinayeen Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto Cusmaan Cabdullaahi Maxamed, ayaa kulan rasmi ah la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan, Mudane Asif Ali Zardari.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Pakistan, gaar ahaan taageerada siyaasadeed iyo tan diblomaasiyadeed ee Dowladda Pakistan ay siiso Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo sidoo kale iskaashiga dhinacyada amniga.

Wadahadallada ayaa si gaar ah loogu falanqeeyay ololaha joogtada ah ee Dowladda Soomaaliya ay kula dagaallamayso kooxda Al-Shabaab, iyo doorka Pakistan ay ka qaadan karto taageeridda dadaalladaas, iyadoo la xoojinayo wada-shaqeynta dhinacyada amniga iyo la-dagaallanka argagixisada.

Madaxweynaha Pakistan, Mudane Asif Ali Zardari, ayaa mar kale caddeeyay mowqifka mabda’a ah ee dalkiisu ka taagan yahay taageeridda iyo ilaalinta madaxbannaanida, qarannimada, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya. Waxa uu sidoo kale muujiyay diyaargarowga Dowladda Pakistan ee ku aaddan sii xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan horumarinta nabadda, xasilloonida, iyo dadaallada dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Mudane Cali Xoosh ayaa uga mahadceliyay Dowladda Pakistan taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isagoo tilmaamay in kulankani uu yahay mid xoojinaya xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal.

May be an image of the Oval Office and daisMay be an image of dais, the Oval Office and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here