Nairobi -Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan la qaatay Taliyeyaasha Ciidamada Gaarka ah ee Maraykanka iyo Ingiriiska ee Bariga Afrika, Col. Ryan Flaherty iyo Col. Rich Grover, kuwaas oo ay weheliyeen saraakiil sarsare.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray guud ahaan xaaladda amni ee Soomaaliya, gaar ahaan la dagaalanka kooxda Daacish. Waxaa si gaar ah looga hadlay guulaha laga gaaray hawlgallada gebagebada maraya ee Daacish looga sifeynayo buuraha Calmiskaad, iyo sida loo xoojin karo iskaashiga caalamiga ah ee la dagaalanka argagixisada.
Madaxweynaha Puntland ayaa Dowladda Maraykanka iyo tan Ingiriiska uga mahadceliyay taageerada ay siiyeen Dowladda iyo shacabka Puntland, taas oo door weyn ka qaadatay guusha Hawlgalka Calmiskaad.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qeybgalay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland, Mudane Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan, iyo Wakiilka Arrimaha Siyaasadda iyo Xiriirka Caalamka, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad.





