Muqdisho – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo amni oo qorsheysan, kuwaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysanayay deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Warsexaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalladan ay qeyb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku ciribtireyso kooxda Al-Shabaab, isla markaana looga sifeynayo deegaanada ay weli kaga sugan yihiin gobolka Shabeellaha Hoose.
Wasaaradda ayaa xustay in howlgalladu ay ahaayeen kuwo si taxaddar leh loo qorsheeyay, looguna talagalay in lagu xaqiijiyo amniga shacabka, laguna wiiqo awoodda kooxda Al-Shabaab ee khatar ku ah nabadgelyada dalka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay sida ay uga go’an tahay sii wadidda howlgallada amni ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab , iyadoo kaashaneysa saaxiibada caalamka, si loo xaqiijiyo nabad iyo xasillooni waarta.





