Ergada Soomaaliya ee Qaramada Midoobayoo Casho Sharaf u Qabatay Danjireyaasha iyo Diblomaasiyiinta New York

0

New York, Mareykanka — Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhida Qaramada Midoobay ayaa munaasabad casho sharaf ah u qabatay danjireyaasha iyo diblomaasiyiinta ka howlgala Xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York.

 

Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Amb. Abuukar Daahir Cusman (Baalle), oo erayo kooban ka jeediyay munaasabadda, ayaa sheegay inay sharaf weyn u tahay Soomaaliya in ay mar kale hoggaamiso Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay kaddib muddo 54 sano ah, taas oo uu ku tilmaamay astaan cad oo muujinaysa soo kabashada, horumarka iyo dib u hanashada kaalinteedii caalamiga ahayd ee Soomaaliya.

Danjire Baalle ayaa xusay in hoggaaminta Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ay saldhig u tahay xoojinta sarreynta sharciga, ilaalinta xeerarka caalamiga ah iyo kobcinta iskaashiga caalamiga ah, xilli dunidu wajahayo xasarado sii kordhaya iyo ku takri-fal ka dhan ah shuruucda caalamiga ah.

Sidoo kale, Danjiraha ayaa carrabka ku adkeeyay in bulshada Soomaaliyeed ay ku suntan yihiin han sare, hal-abuur iyo howlkarnimo, isla markaana ay caqabadaha, xadgudubyada iyo marin-habaabinta uga jawaabaan midnimo, kalsooni iyo waxqabad joogto ah.

Munaasabaddan oo lagu soo xirayay muddadii bisha ahayd ee Soomaaliya ay hoggaamineysay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay fannaaniin Soomaaliyeed oo halkaas ku soo bandhigay heeso iyo ciyaaro dhaqameedyo kala duwan, kuwaas oo si weyn u soo jiitay marti sharaftii ka qeyb gashay, isla markaana muujiyay hodantinimada hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

May be an image of textMay be an image of one or more people and text that says "··…· w.o SOMALA PLASH Ksia RA +P SOMAL UNITED UNITEDNATONS NAT NS SECURITY KIL 2025"May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here