KENYA – Garoonka diyaaradaha ee Manda Bay, oo ku dhow magaalada dalxiiska ah ee Lamu isla markaana ay maamusho Ciidamada Difaaca Kenya, ayaa lagu wadaa in la ballaariyo kaddib maalgelin ay bixisay dowladda Mareykanka. Mas’uuliyiinta Kenya ayaa sheegay in ballaarintan ay si gaar ah diiradda u saari doonto xoojinta howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Tallaabadan ayaa imanaysa xilli Al-Shabaab ay kordhisay weerarrada ay ka fuliso xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, taasoo sii xumaysay xaaladda amni ee gobollada. xuduudda.Weerarradan ayaa muujinaya baahida loo qabo iskaashi amni oo xooggan iyo tallaabooyin dheeraad ah oo lagu xakameynayo khataraha ka imanaya xuduudaha.
Ballaarinta Manda Bay waxay sidoo kale astaan u tahay xiriirka milatari ee sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Kenya iyo Mareykanka. Sannadkii 2024, madaxweynihii hore ee Mareykanka Joe Biden ayaa Kenya u aqoonsaday saaxiibka ugu horreeya ee Mareykanka ee ka hooseeya Saxaraha Afrika, tallaabo sare u qaaday iskaashiga amni iyo diblomaasiyadeed, inkastoo uusan jirin heshiis difaac oo wadajir ah.
Dhanka kale, saraakiisha booliska Kenya ayaa xaqiijiyay in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay dhowaan dileen guddoomiyaha deegaanka iyo macallin ku sugnaa magaalada Hulugho ee waqooyi-bari Kenya, meel u dhow xadka Soomaaliya.
Al-Shabaab, oo gacanta ku haysa dhul ka tirsan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, ayaa si joogto ah u fuliya weerarro ka gudba xuduudaha, kuwaas oo lagu bartilmaameedsado ciidamada Kenya . Khubarada amniga ayaa sheegaya in weerarradan ay qayb ka yihiin dadaallo lagu cadaadinayo Kenya si ay ciidamadeeda uga saarto howlgalada AUSSOM ee ka socda Soomaaliya.
Maalgelintan milatari ee Mareykanka ayaa imanaysa xilli Kenya ay la tacaalayso caqabado dhaqaale iyo kuwo amni oo ka taagan xadka ay la wadaagto Soomaaliya.




