Nairobi – Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdixakiin Ashkir, ayaa magaalada Nairobi kaga qeybgalay munaasabadda daah-furka daraasadda PROGRESS 2025, oo diiradda lagu saaray xal u helidda xaaladda barakacayaasha iyo qaadashada tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu gaari karo xal waara.
Daraasaddan oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), ayaa lagu falanqeeyay fursadaha lagu horumarin karo taageerada loo fidinayo dadka barakacayaasha ah iyo bulshooyinka martigelinaya, gaar ahaan waddamada Bariga, Geeska iyo Koonfurta Afrika, iyadoo si gaar ah loo dhageystay dowladaha ay khusayso iyo aragtiyadahooda.
Wasiir Ku Xigeenka oo ka hadlay madasha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay leedahay qorshe qaran oo ay xukuumaddu hoggaan ka tahay, kaas oo lagu wajahayo xaaladda ku dhawaad 3.5 milyan oo barakacayaal ah oo ku nool dalka.
Waxa uu carrabka ku adkeeyay in xalalka ku meel-gaarka ah aysan ahayn kuwo waara
Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Xarunta Horumarinta Reer Miyiga iyo Xalka Waara, Marwo Sahro Cabdi, iyo Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle.
Ka-qeybgalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee madashan ayaa muujinaya dadaalka joogtada ah ee ay ugu jirto helidda xalal waara oo lagu taageerayo barakacayaasha, isla markaana lagu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah ee arrimaha bani’aadannimo iyo horumarinta bulshada.





