Safaaradda Soomaaliya ee Masar oo Beenisay Warar Been Abuur ah oo Lagu Faafiyay Baraha Bulshada

0

QAHIRA – Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Masar ayaa si rasmi ah been abuur ugu tilmaantay warar lagu faafiyay baraha bulshada, kuwaas oo sheegayay in la hakiyay ama la joojiyay visaha dal-ku-galka Masar ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.

 

War-saxaafadeed kasoo baxay Safaaradda ayaa lagu caddeeyay in aysan waxba ka jirin wararka la isla dhexmarayay ee la xiriiray hakinta baasaboorka ama visaha muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u safraya dalka Masar.

Safaaraddu waxay si cad u xaqiijisay in habraacyadii hore ee dal-ku-galka muwaadiniinta Soomaaliyeed ay weli sidoodii u shaqeynayaan, isla markaana uusan jirin wax go’aan rasmi ah oo kasoo baxay Dowladda Jamhuuriyadda Carabta Masar oo tilmaamaya in la joojiyay ama la hakiyay visaha ay helaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Masar ayaa adkaysay xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga walaaltinimo ee kala dhexeeya labada dal, iyadoo xustay in xiriirka Soomaaliya iyo Masar uu marayo heerkii ugu sarreeyay ee wada-shaqeyn iyo is-afgarad.

Safaaraddu waxay sidoo kale ugu baaqday muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan wararka aan xaqiiqda ku salaysnayn, isla markaana ay ku kalsoonaadaan wararka rasmiga ah ee kasoo baxa hay’adaha dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here