Jowhar – Ciidamada Qaybta 5-aad ee AUSSOM ee ku sugan Garoonka Diyaaradaha Jowhar ayaa biyo nadiif ah u qaybiyay in ka badan 200 oo qof oo ku nool xerada dadka barakacay ee Towfiiq.
Taliyaha AUSSOM u qaabbilsan Iskaashiga Militariga iyo Shacabka, G/Dhexe Nzirorera Pierre, ayaa sheegay in tallaabadan ay muujinayso sida ay ciidamadu uga go’an tahay taageeridda qoysaska nugul ee ay saameeyeen colaadaha iyo musiibooyinka dabiiciga ah.
Ka faa’iideystayaasha deeqdan ayaa u mahadceliyay ciidamada AUSSOM, iyagoo tilmaamay in gargaar ahaan biyaha la gaarsiiyay ay si weyn wax uga tareen biyo-yariddii ka jirtay xerada, oo ay sii adkaysay abaartii daba socotay roobabkii culus ee El Niño ee horay u sababay dhibaatooyin baahsan.
Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo wada-shaqeynta shacabka iyo militariga, iyadoo ciidamada AUSSOM ee ka howlgala Dawlad Goboleedka HirShabeelle ay sii wadi doonaan taageeridda bulshooyinka tabaaleysan iyagoo u maraya biyo-qaybin, taakulayn caafimaad iyo gargaar bani’aadannimo.






