Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Hawada Ka Celisay Diyaarado Siday Ilaalada Madaxda Puntland iyo Jubaland

0

MUQDISHO – Sida shabeelle ay xaqiijiyeen ilo muhiim ah oo ka tirsan Villa Somalia, diyaaradihii siday askar ilaalo u ah madaxda Puntland iyo Jubaland ayaa hawada laga celiyay, kadib markii ay ku xadgudbeen habraacyadii amni ee ay labada dhinac ku heshiiyeen Gudiyadda Farsamada.

 

Qodobada amniga lagu heshiiyey ayaa u oggolaanaya madaxda labada maamul midkiiba 40 askari, oo 10 kamid ah ay yihiin dharcad, isla markaana inta aysan Muqdisho imaanaan ay Taliska NISA u soo gudbiyaan macluumaadka askarta iyo hubka ay wataan.

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in diyaaradihii dhawaan soo qaatay ilaalada Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubaland, ay ku xadgudbeen habraacii lagu heshiiyey, taasoo keentay in hawada laga celiyo si amniga loo ilaaliyo.May be an image of helicopter
May be an image of helicopter and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here