NISA oo 13 Al-Shabaab ah ku dishay howlgal ka dhacay Shabeellaha Dhexe

0

Shabeellaha Dhexe – Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa shalay fuliyay howlgal qorshaysan oo ka dhacay deegaanka Maxaa Saciid ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo lagu beegsaday guri ay shir ku lahaayeen horjoogeyaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

 

Howlgalkaas ayaa lagu dilay 13 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo shan ka mid ah ay ahaayeen horjoogeyaal, sida lagu sheegay war-saxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay Hay’adda NISA.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in horjoogeyaasha la beegsaday ay ku jireen kulan ay ku qorsheynayeen falal argagixiso, isla markaana ay doonayeen in ay dadka deegaanka ku qasbaan bixinta taageero dhaqaale iyo mid ciidan. NISA ayaa sheegtay in si buuxda loo fashiliyey ujeedkoodii, lana soo afjaray dhaqdhaqaaqii ay wadeen.

Horjoogeyaashan ayaa Al-Shabaab u qaabilsanaa abaabulka iyo fulinta falalka argagixiso ee ka dhici jiray gobollada Shabeellaha Dhexe, Galgaduud iyo Bay.

Sidoo kale, howlgalka ayaa lagu gaarsiiyay dhaawacyo culus ilaa siddeed dhagar-qabe, oo ay ku jiraan saddex horjooge.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa mar kale adkaysay in ay sii wadi doonto howlgalada lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada, si loo xaqiijiyo amniga guud ee dalka.

May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here