JAZEERA – Odayaasha dhaqanka ee beelaha Shiikhaal Jazeera iyo Shiikhaal Gandarshe ayaa kulan ballaaran oo ay ku yeesheen deegaanka Jazeera, oo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed, kaga hadlay xaaladda dhulkooda iyo mustaqbalka deegaanada Jazeera iyo Gandarshe, kuwaas oo ah deegaano xuduud wadaag ah, kana tirsan Koonfur Galbeed.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray walaaca sii kordhaya ee ku aaddan waxa odayaashu ku tilmaameen boob iyo dhul si sharci-darro ah loo qaadanayo, kaas oo ay sheegeen in lagu hayo dhulka ay leeyihiin dadka deegaanka.
Mashaariic aan lagala tashan bulshada deegaanka
Odayaasha iyo waxgaradka kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay jiraan shirkado iyo ganacsato ku hawlan ballaarin dhuleed oo xooggan, kuwaas oo fulinaya mashaariic ay ka mid yihiin dhismaha dekedo, xarumo ganacsi iyo goobo maalgashi, iyada oo aan wax la-tashi ah lala yeelan bulshada deegaanka.
Waxay ku eedeeyeen shirkadahaas in ay si gaar ah u maamulayaan dhulal ballaaran, isla markaana ay iska indha-tirayaan xuquuqda dadka deegaanka, taas oo keentay cabsi iyo walaac ku saabsan mustaqbalka dhulka iyo deegaanka.
Baaq ku socda Dowladda Federaalka iyo Maamulka Koonfur Galbeed
Odayaasha Shiikhaal Jazeera iyo Shiikhaal Gandarshe ayaa baaq culus u diray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Koonfur Galbeed, iyagoo ka dalbaday in ay si degdeg ah uga soo farageliyaan arrintan, una istaagaan difaaca dhulka, khayraadka iyo jiritaanka bulshada deegaanka.
Waxay sheegeen in qaar ka mid ah ganacsatada iyo shirkadaha ku lugta leh arrintan ay adeegsanayaan awood ciidan iyo mid dhaqaale, taas oo ay ku tilmaameen boob qaawan oo lagu hayo dhulka iyo khayraadka deegaanka.
Deegaanayn sharci-darro ah iyo boobka khayraadka
Deegaanada Jazeera iyo Gandarshe, oo ku yaalla xeebta Badweynta Hindiya, isla markaana xuduud la leh caasimadda Muqdisho, ayaa ah deegaano caan ku ah quruxda dabiiciga ah iyo dalxiiska. Odayaasha ayaa sheegay in khayraadka dabiiciga ah ee deegaanka, sida shidaalka, xeebaha iyo dhulka (real estate), ay noqdeen kuwo si sharci-darro ah loo beegsanayo.
Waxay ku adkeeyeen in dadka deegaanka aan lagala tashan, isla markaana aysan raalli ka ahayn habka loo maamulayo mashaariicda ka socda dhulkooda, taas oo halis gelin karta nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada.
Ugu dambeyn, odayaasha ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada ku lugta leh arrintan in ay ixtiraamaan sharciga, xuquuqda dadka deegaanka, kana fogaadaan tallaabooyin horseedi kara khilaaf iyo qalalaase.




