Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal ka Tirsanaa Al-Shabaab oo ka Dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe

0

Shabeellaha Dhexe – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaysa saaxiibada caalamka, ayaa fulisay howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Qaahira ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo lagu dilay ilaa toddobo (7) xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

 

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saartay NISA, howlgalka ayaa sidoo kale lagu burburiyay kayd hub iyo xarumo gabbaad u ahaa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay u adeegsan jireen abaabulka iyo fulinta falal argagixiso.

Howlgalkan oo la fuliyay xalay gelinkii dambe ayaa daba socday howlgal kale oo maalmo ka hor laga fuliyay deegaanka Maxaa Saciid ee isla gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo lagu bartilmaameedsaday koox horjoogayaal ah oo shir ku lahaa guri ku yaallay deegaankaasi.

Howlgalkii Maxaa Saciid ayaa lagu soo afjaray nolosha shan (5) horjooge, halka saddex (3) kale lagu gaarsiiyay dhaawac culus, sida lagu xaqiijiyay warbixinta Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka.

NISA ayaa mar kale adkaysay in howlgallada lagu beegsanayo horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab ay sii socon doonaan, ilaa laga ciribtirayo khatarta ay ku hayaan amniga, xasilloonida dalka iyo badbaadada muwaadiniinta Soomaaliyeed.

May be a graphic of map and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here