Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la Qaatay Sii-hayaha Safiirka Maraykanka u Qaabilsan Soomaaliya

0

Muqdisho — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta kulan la qaatay Sii-hayaha Safiirka Dowladda Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Justin Davis, iyagoo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labo-geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha amniga iyo la-dagaallanka argagixisada, iyadoo Ra’iisul Wasaaruhu Danjiraha la wadaagay guulaha wax-ku-oolka ah ee ay dowladda Soomaaliya, iyada oo kaashanaysa saaxiibada caalamiga ah, ka gaartay dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa warbixin faahfaahsan ka bixiyay horumarrada amniga dalka, dadaallada lagu xasilinayo deegaannada laga xoreeyay cadowga, iyo muhiimadda ay leedahay taageerada Dowladda Maraykanka ee ku aaddan tababbarka, qalabeynta iyo xirfadaynta Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed. Waxa uu si gaar ah uga mahadceliyay doorka muuqda ee Maraykanku ka qaato taageerada amniga Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay dowladda u leedahay in kooxaha xagjirka ah laga ciribtiro dhul beereedka, si dalka uu u gaaro isku-filnaansho dhinaca cunnada iyo maalgashiga ah.

Dhankiisa, Sii-hayaha Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, Danjire Justin Davis, ayaa bogaadiyay guulaha is-daba-joogga ah ee ay gaartay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee dhinacyada amniga, siyaasadda iyo hannaanka doorashooyinka, isaga oo xaqiijiyay in Dowladda Maraykanka ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, taakulaynta ciidamada iyo gargaarka bini’aadantinimo.

Danjire Justin Davis ayaa sidoo kale caddeeyay in Dowladda Maraykanka ay si buuxda u taageersan tahay midnimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, kulanka ayaa si qoto-dheer loogu falanqeeyay xaaladda bini’aadantinimo ee dalka, gaar ahaan saamaynta abaaraha ku yeesheen malaayiin muwaadiniin ah. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa xusay in Xukuumadda DanQaran ay hirgelisay qorshe ballaaran oo isku-tashi shacab iyo dowlad ah, isagoo ugu baaqay saaxiibada caalamka, gaar ahaan Dowladda Maraykanka, in ay gacan ka geystaan gurmadka degdegga ah ee loo fidinayo dadka ay saameeyeen abaaruhu.

May be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people and dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here