Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho rasmi ah ku tagay dalka Masar

0

Qaahira – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa caawa booqasho rasmi ah uga bilaabatay magaalada Qaahira ee caasimadda Jamhuuriyadda Carabta ee Masar. Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.

 

Inta uu ku sugan yahay Qaahira, Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu kulan muhiim ah la yeesho dhiggiisa dalka Masar, Madaxweyne Cabdifataax Al-Sisi. Kulankaasi ayaa diiradda lagu saari doonaa xoojinta iskaashiga qotada dheer ee u dhexeeya labada dowladood iyo shacabkooda, arrimaha gobolka, iyo doorka ay Soomaaliya iyo Masar ka qaadan karaan xasilloonida, nabadda iyo badbaadada marinada ganacsiga ee muhiimka u ah gobolka iyo caalamkaba.

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qayb ka ah booqashooyin shaqo oo uu ku marayo dalal kala duwan, kuwaas oo uu diiradda ku saarayo adkeynta iskaashiga caalamiga ah, horumarinta danaha qaranka, iyo dadaallada lagu ilaalinayo midnimada, madax-bannaanida iyo qarannimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

May be an image of aircraftNo photo description available.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here