Hiiraan – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidammada deegaanka ayaa caawa howlgallo qorsheysan ka fuliyey deegaanka Qowl ee Gobolka Hiiraan, kuwaas oo ka dhan ahaa maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Howlgallada oo si wadajir ah loo fuliyey ayaa lagu dilay in ka badan toddobo dhagarqabe oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo ku sugnaa deegaankaasi. Sidoo kale, ciidamadu waxay gubeen gaari Cabdi Bile ah oo ay kooxdaasi u adeegsan jireen falalkooda argagixiso.
Dhanka kale, isla howlgalladaas ayaa ciidamadu ka fuliyey deegaanka Goobo, halkaas oo lagu dilay laba dhagarqabe oo ka tirsanaa Al-Shabaab, iyadoo sidoo kale gacanta lagu dhigay laba qori oo nooca AK-47 ah oo ay wateen.
Saraakiisha hoggaaminaysay howlgallada ayaa sheegay in tallaabooyinkan ay qeyb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo Al-Shabaab, laguna xaqiijinayo amniga guud iyo xasilloonida Gobolka Hiiraan.






