Qaahira, Masar – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta magaalada Qaahira kula kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Mudane Cabdulfataax Al-Siisi, kulan wadahadal ah oo lagaga hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo arrimo la xiriira amniga, horumarka iyo xasilloonida gobolka.
Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay sida loo xoojin karo xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Masar, iyo iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga, iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha. Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada labada dal ay ku adkaynayaan wada shaqeynta istaraatiijiga ah ee muhiimka u ah Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe.
Kadib kulanka rasmiga ah, madaxda labada waddan ayaa si wadajir ah u qabtay shir jaraa’id, iyaga oo si cad u muujiyay muhiimadda dhowrista madaxbannaanida, midnimada iyo xasilloonida Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyay tallaabooyin uu ku tilmaamay sharci-darro islamarkaana halis ku ah nabadda gobolka, isagoo ku adkeeyay in la ixtiraamo qawaaniinta caalamiga ah iyo madax-bannaanida dalalka.
Dhanka kale, Madaxweyne Cabdulfataax Al-Siisi ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada ay Masar u hayso madax-bannaanida, wadajirka dhuleed iyo faragalin la’aanta arrimaha gudaha ee Soomaaliya, isagoo tilmaamay in Soomaaliya ay muhiim istaraatiiji u tahay xasiloonida iyo horumarka gobolka.
Kulankan ayaa sidoo kale lagu soo qaaday baahida loo qabo in la xoojiyo iskaashiga dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, iyo arrimaha bini’aadminimo, si loo gaaro horumar waara oo ka dhaca Geeska Afrika.







