Wafdi Soomaaliyeed oo Ka Qaybgalay Bandhigga Difaaca Adduunka ee Riyaad 2026

0

Riyaad, Sacuudi Carabiya – Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa booqasho shaqo ku jooga magaalada Riyaad, halkaas oo uu maanta ka qaybgalay furitaanka Bandhigga Difaaca Adduunka (World Defense Show) 2026, oo sannadkan ka furmay Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

 

Sidoo kale, bandhiggan ayaa waxaa ka qaybgalay wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Cabdullahi Sheekh Ismaaciil, oo uu wehliyo Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, S/Guuto Asad Cismaan Cabdullahi.

Bandhiggan oo ah kii saddexaad, ayaa socon doona 8 ilaa 12 Febraayo 2026, waxaana ka qaybgalaya wufuud caalami ah, hay’ado dowladeed iyo shirkado ku takhasusay warshadaha difaaca iyo amniga. Inta uu Wasiirku ku sugan yahay Boqortooyada Sacuudi Carabiya, waxaa la filayaa inuu saxiixo heshiis iskaashi oo dhinaca difaaca ah oo u dhexeeya labada dal.

Ka qaybgalka wafdiga Soomaaliya ayaa diiradda saaraya xoojinta iskaashiga difaaca, is-weydaarsiga khibradaha, iyo la socodka tiknoolajiyada casriga ah ee amniga iyo warshadaha militariga, si loo horumariyo awooda difaaca qaranka iyo tayeynta ciidanka.

May be an image of textMay be an image of ‎dais and ‎text that says "‎د SAUDI SAUDIARAR SINCE SINCE1968 1968 ARAB ARAB I‎"‎‎

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here