Soomaaliya iyo Jabuuti oo saxiixday Heshiis Is-afgarad oo lagu xoojinayo tacliinta sare iyo cilmibaarista

0

Muqdisho – Wasaaradaha Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Tacliinta Sare iyo Cilmibaarista ee Jabuuti ayaa maanta si rasmi ah u kala saxiixday Heshiis Is-afgarad (MoU) oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dal ee dhinaca tacliinta sare iyo cilmibaarista.

 

Heshiiskan, oo lagu saxiixay magaalada Muqdisho, wuxuu ujeedadiisu tahay in la dhiso hannaan rasmi ah oo fududeynaya is-weydaarsiga tacliimeed iyo cilmiyeed ee u dhexeeya jaamacadaha iyo hay’adaha tacliinta sare ee labada dal.

Qodobada muhiimka ah ee heshiiska waxaa ka mid ah:
Is-weydaarsiga ardayda, macallimiinta jaamacadaha iyo cilmibaarayaasha,Taageeridda tababarrada iyo barnaamijyada cilmibaaris ee gaagaaban,Abaabulka shirar, aqoon-is-weydaarsiyo iyo siminaarro wadajir ah,Hirgelinta barnaamijyo shahaado-wadaag ah (Bachelor, Master iyo PhD),Iyo Fududeynta arrimaha deeqaha waxbarasho iyo aqoonsiga shahaadooyinka.

Labada dal ayaa sidoo kale ku heshiiyay ilaalinta xuquuqda hantida aqooneed (Intellectual Property) ee ka dhalata cilmi-baarista wadajirka ah, iyadoo la raacayo shuruucda qaran iyo heshiisyada caalamiga ah.

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa sheegay in heshiiskani uu xoojinayo xiriirka taariikhiga ah ee walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, isla markaana uu kor u qaadayo tayada waxbarashada sare iyo horumarinta cilmibaarista dalka.

Dhanka kale, Wasiirka Tacliinta Sare ee Jabuuti, Nabiil Maxamed Axmed, ayaa carrabka ku adkeeyay in iskaashigan uu fursado ballaaran u abuuri doono ardayda iyo macallimiinta labada dal, isla markaana uu gacan ka geysan doono kobcinta aqoonta iyo horumarka gobolka.

Heshiiskan ayaa ka tarjumaya dadaalka joogtada ah ee labada dowladood ay ugu jiraan xoojinta iskaashiga istiraatiijiyadeed iyo horumarinta mustaqbalka jiilasha soo koraya.

May be an image of dais and textMay be an image of dais and text that says "Mu Isat 2000 aH H a 니이 u sh la or Was iyo Ciln inta Jamhu"

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here