Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Deegaano ka Tirsan Gobolka Bakool

0

Bakool – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 9-aad ee Qeybta 60-aad, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaano hoostaga Deegaanka Moorigaabey, oo ka tirsan Degmada Xuddur, xarunta Gobolka Bakool.

 

Sida ay saraakiishu xaqiijiyeen, howlgalka oo ahaa mid si taxaddar leh loo qorsheeyay ayaa lagu bartilmaameedsaday horjooge ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kaas oo dhibaato ku hayay shacabka ku nool deegaanadaas.

Intii uu socday howlgalka, Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sidoo kale ka soo furtay gaadiid nooca mootooyinka saddex-lugoodka ah, kuwaas oo la sheegay in ay u adeegsan jireen falal amni-darro ah.

Saraakiisha Ciidanka ayaa tilmaamay in howlgalladan ay qeyb ka yihiin dadaallada lagu xaqiijinayo amniga, laguna ciribtirayo kooxaha khatarta ku ah nabadda iyo xasilloonida Gobolka Bakool.

No photo description available.May be an image of scooter, motorcycle and text that says "田究 R SOR MOTOR ጽጵ"

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here