Tripoli/Zuwara – Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ayaa maanta oo Isniin ah xaqiijisay in ugu yaraan 53 qof oo muhaajiriin ah, oo ay ku jiraan laba carruur ah oo aad u yaryar, ay ku dhinteen ama lagu la’yahay badda, kaddib markii dooni caag ah oo ay saarnaayeen 55 qof ay ku degtay xeebaha dalka Liibiya, Khamiistii la soo dhaafay ee 06 Febraayo.
Sida ay sheegeen dadkii ka badbaaday musiibadan, doontu ayaa ku rogmatay waqooyiga magaalada Zuwara ee waqooyi-galbeed Liibiya, qiyaastii lix saacadood kaddib markii ay ka baxday magaalada Al-Zawiya, abbaaro 11:00 fiidnimo habeenkii Arbacada, 05 Febraayo.
Hawlgal badbaado oo ay fuliyeen ciidamada badda ee Liibiya ayaa lagu soo badbaadiyay laba haween ah oo u dhashay dalka Nayjeeriya. Mid ka mid ah haweenka badbaaday ayaa sheegtay inay ninkeeda ku weysay masiibadan, halka tan kale ay sheegtay in labadeedii carruur ee yaryaraa ay ku dhinteen hirarka badda.
Kooxaha caafimaadka ee IOM ayaa gargaar degdeg ah u fidiyay labada haween ee badbaaday markii la keenay xeebta. Muhaajiriinta saarnaa doonta ayaa dhammaantood u dhashay qaaradda Afrika, iyagoo doonayay inay gaaraan qaaradda Yurub.
IOM ayaa sheegtay in tan iyo bilowga sanadkan la diiwaangeliyay 484 muhaajiriin ah oo ku dhintay marinka badda ee isku xira Liibiya iyo Talyaaniga, halka sanadkii 2025 ay in ka badan 1,300 muhaajiriin ah ku dhinteen isla waddadan halista ah.
Hay’adda IOM ayaa mar kale ka digtay shabakadaha dadka tahriibiya, kuwaas oo ka faa’iideysta xaaladda dadka nugul, iyagoo ku rida doonyo aan u qalmin safarro badweyn. Waxay IOM ku baaqday iskaashi caalami ah oo xooggan, si loo badbaadiyo nolosha muhaajiriinta loona abuuro waddooyin sharci ah oo ammaan ah oo ay dadku u guuri karaan.
Dalka Liibiya ayaa weli ah marinka ugu muhiimsan ee muhaajiriinta ka imanaya Afrika iyo Bariga Dhexe, tan iyo markii uu dalku galay qalalaase siyaasadeed sanadkii 2011, taas oo sii kordhisay halista safarrada tahriibka ee badda Mediterranean-ka.



