Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay wafdi uu hoggaaminayay Wasiiru Dowlaha Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta ee Dowladda Jarmalka, Mudane Niels Annen, iyo Safiirka Jarmalka ee Soomaaliya, Mudane Sebastian Groth. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal iyo qodobo kale oo dan-wadaag ah.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa wafdiga uga warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, oo ay ka mid yihiin abaarta ba’an, guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta, dardar-gelinta doorashooyinka tooska ah ee goleyaasha deegaanka, dhammaystirka Dastuurka, iyo gogosha wadahadal ee ay dowladda u fidisay Golaha Mustaqbalka.
Dhankiisa, Mudane Niels Annen ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaaraha qaabilaadda diirran, isaga oo adkeeyay muhiimadda iskaashiga ku dhisan dano-wanaagga ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jarmalka.
Ugu dambeyntii, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xaqiijiyay in Dowladda Soomaaliya ay doorkeeda ka qaadan doonto dadaallada caalamiga ah ee lagu raadinayo nabadda iyo xasiloonida, gaar ahaan Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, oo ay Soomaaliya ka tahay xubin aan joogto ahayn.





