Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka Cimilada oo Muqdisho ka furay tababar

0

Muqdisho – Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka Cimilada ayaa magaalada Muqdisho ka furay tababar soconaya saddex maalmood, kaas oo ay ka qeyb galayaan saraakiil ka kala socda hay’adaha dowladda, ururrada bulshada rayidka ah, ganacsiga gaarka loo leeyahay, iyo daneeyayaasha dhaqaalaha isbeddelka cimilada.

 

Tababarka ayaa diiradda saaraya xoojinta awoodda qaranka ee helitaanka maalgelinta cimilada, fahamka habraacyada Sanduuqa Cimilada Cagaaran (Green Climate Fund – GCF), iyo horumarinta mashaariic wax ku ool ah oo wax ka qabta saameynta isbeddelka cimilada ee dalka.

Mas’uuliyiin ka hadlay furitaanka tababarka ayaa sheegay in uu yahay mid muhiim u ah diyaargarowga Soomaaliya si ay uga faa’iidaysato fursadaha caalamiga ah ee maalgelinta cimilada, isla markaana uu xoojinayo iskaashiga u dhexeeya dowladda, bulshada rayidka ah, iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay.

Waxay sidoo kale xuseen in tababarkan uu gacan ka geysanayo dhisidda awood farsamo iyo mid hay’adeed oo u suurtagelin karta dalka inuu si wax ku ool ah u helo una maareeyo maalgelinta caalamiga ah ee la xiriirta la-qabsiga iyo yareynta saameynta isbeddelka cimilada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale adkaysay sida ay uga go’an tahay dhisidda hay’ado qaran oo xooggan, iyo iskaashi ballaaran oo lagu dhisayo adkaysi waara, si loo taageero horumarinta dhaqaalaha iyo badbaadada nolosha shacabka Soomaaliyeed.

May be an image of one or more peopleMay be an image of one or more people, people studying, table and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here