Addis Ababa, Itoobiya — Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray magaalada Addis Ababa, si uu uga qayb-galo Shir-Madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika, kaas oo si rasmi ah loogu furmi doono berri Xarunta Midowga Afrika.
Shirkan oo sanad walba lagu qabto caasimadda Itoobiya, ayaa sanadkan diiradda lagu saarayaa “Helitaanka Biyo Joogto ah iyo Nidaamyo Fayadhowr oo Ammaan ah si loo Gaaro Yoolalka Ajandaha 2063 ee Midowga Afrika” taas oo muujinaysa muhiimadda istiraatiijiga ah ee badqabka biyaha iyo fayadhowrka ee horumarka waara iyo barwaaqada qaaradda Afrika.
Intii uu shirku socdo, Wasiir Cabdisalaan Cabdi Cali waxa uu la yeelan doonaa kulamo laba-geesood ah madaxda dalalka Afrika iyo saaxiibada caalamiga ah. Kulamadaas ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha mudnaanta u leh Soomaaliya, gaar ahaan
Nabad iyo amni,iskaashiga gobolka,horumar waara iyo xoojinta xiriirka iskaashi ee caalamiga ah.
Wasiirku waxa uu sidoo kale ka qaybqaadan doonaa doodaha iyo shirarka heerka sare ah ee la xiriira istiraatiijiyadda Midowga Afrika ee xalka waara u helidda caqabadaha biyaha iyo fayadhowrka, kuwaas oo muhiim u ah mustaqbalka bulshooyinka qaaradda.




