Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya oo Kulan Miro-dhal ah la Qaatay Dhiggiisa Turkiga

0

Ankara, Turkiga — Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Dowladda Turkiga, Mudane Yılmaz Tunç.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada cadaaladda iyo garsoorka, iyo sidii loo horumarin lahaa wada-shaqeynta hay’adaha garsoorka ee labada dowladood. Labada wasiir ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo is-dhaafsiga khibradaha, tababarrada, iyo taageerada farsamo ee la xiriirta horumarinta nidaamka garsoorka.

Wasiir Xasan Macallin Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dib-u-dhiska hay’adaha dowliga ah iyo tayeynta adeegyada cadaaladda.

Kulanka waxaa Wasiirka ku wehliyay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Turkiga, Danjire Fatxudiin Cali Maxamed, iyo howl-wadeenno ka tirsan Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada sharciga iyo horumarinta hay’adaha garsoorka.

May be an image of the Oval Office and textMay be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here