Muqdisho, Soomaaliya — Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay U Qeybsanaha Arrimaha Difaaca ee Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, Col. Wills.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga amni ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, gaar ahaan dardargelinta dagaallada ka dhanka ah argagixisada iyo la-dagaallanka kooxaha Al-Shabaab.
Labada dhinac ayaa isla gartay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta wada-shaqeynta istiraatiijiga ah, is-dhaafsiga xogaha sirdoonka, iyo taageerada farsamo ee lagu horumarinayo awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed si ay u gutaan waajibaadkooda qaran.
Ugu dambeyn, Taliyaha Ciidanka XDS ayaa uga mahadceliyay Dowladda iyo Ciidanka Mareykanka taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Ciidanka XDS, isaga oo adkeeyay ka go’naanshaha joogtada ah ee lagu ciribtirayo argagixisada iyo sugidda amniga dalka.






