Algiers, Aljeeriya — Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS), Mudane Xasan Macallin Maxamuud, iyo Wasiirka Cadaaladda Dowladda Aljeeriya, Mudane Lotfi Boudjemaa, ayaa magaalada Algiers ku kala saxiixday Heshiis Is-afgarad (MoU) oo lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada garsoorka iyo caddaaladda ee labada dal.
Heshiiskan Is-afgarad ah ayaa ku saleysan xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi taariikhi ah ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Aljeeriya. Waxa uu si gaar ah diiradda u saarayaa is-dhaafsiga khibradaha iyo waayo-aragnimada la xiriirta dib-u-habeynta iyo tayeynta nidaamka caddaaladda iyo hay’adaha garsoorka.
Heshiiska ayaa sidoo kale xoogga saarayabHorumarinta sharciyada iyo habraacyada maxkamadaha,Kor u qaadista madaxbannaanida garsoorka,Ku dhaqanka sarreynta sharciga iyo Ilaalinta iyo dhowrista xuquuqda aadanaha.
Ujeeddada heshiiskan ayaa ah in la dhiso nidaam caddaaladeed oo hufan, la isku halleyn karo, isla markaana si wax-ku-ool ah uga jawaaba baahiyaha muwaadiniinta labada dal.
Heshiiskan ayaa qeyb ka ah dadaallada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojineyso xiriirka caalamiga ah iyo horumarinta nidaamka caddaaladda dalka.





