Kumaandooska Danab Ururka 162-aad oo Howlgal Ka Fuliye Deegaanka Maanbile ee Jubbada Hoose

0

Jamaame, Jubbada Hoose — Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 162-aad ee Guutada 16-aad, ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyay deegaanka Maanbile, oo hoostaga magaalada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.

 

Howlgalka oo ahaa mid si xeeladaysan loo qorsheeyay ayaa lagu bartilmaameedsaday godad iyo fariisimo ay Al-Shabaab ka qoteen deegaanka, kuwaas oo ciidamada Danab ay ku guuleysteen inay ka saaraan argagixisada halkaasi ku dhuumaaleysaneysay. Intii uu howlgalka socday, ciidamada ayaa sidoo kale burburiyay difaacyo ay cadowgu isticmaali jireen, taasoo si weyn u wiiqday awooddii maleeshiyaadka Al-Shabaab ee deegaanka.

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegay in ujeeddadu ahayd xaqiijinta amniga iyo ka hortagga falal amni darro oo Khawaarijtu ka abaabuli jireen deegaannada ku dhow Jamaame. Waxay intaa ku dareen in ciidamada Kumaandooska Danab ay sii wadi doonaan howlgallada sifeynta ah si loo xaqiijiyo xasilloonida gobolka Jubbada Hoose.

Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa mar kale muujiyay karti iyo geesinimo ay kula dagaallamayaan Al-Shabaab, iyagoo ka go’an difaaca shacabka Soomaaliyeed iyo ciribtirka kooxaha argagixisada ah.

May be an image of echidnaNo photo description available.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here