Cape Town – Koonfur Afrika – Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daahir Shire Maxamed, ayaa kulan Duceedyo miro-dhal ah la yeeshay madax ka socotay Empire Investment Bank, oo ah bangi caalami ah oo maalgelin ku sameeya shirkadaha ka shaqeeya macdanta (minerals), isla markaana xaruntiisu tahay dalka Shiinaha.iyo Madaxweynaha rugta Gacansiga Dalka koonfur Africa (President AdV MTHO XULU).
Kulankan oo ka dhacay magaalada Cape Town, halkaas oo Wasiirku uga qeyb-galayay Shirka Maalgashiga Macdanta Afrika. Wasiirka waxaa kulanka ku wehlinayay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Koonfur Afrika, Ambassador Maxamed Sheekh Isxaaq.
Intii uu kulanku socday, Wasiir Daahir Shire Maxamed ayaa bangiga Iyo Madaxweynaha si faahfaahsan ugu soo bandhigay macdanta iyo kheyraadka dabiiciga ah ee uu dalkeennu hodanka ku yahay. Madaxda ka socotay Empire Investment Bank Iyo Madaxweynaha Rugta gacansiga Dalka Konfur Africa ayaa si weyn u soo dhaweeyay warbixinta qotada dheer ee uu Wasiirku bixiyay, iyaga oo muujiyay xiisaha ay u qabaan fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya.
Dhankooda, madaxda bangiga iyo madaxweynaha ayaa qiray in Soomaaliya ay tahay waddan leh khayraad macdan iyo mid badeed oo aad u ballaaran, isla markaana ay muhiim tahay horumarinta iyo sare u qaadidda maalgashiga macdanta iyo kheyraadka dabiiciga ah ee gobolka.
Kulanka Wasiirka iyo madaxda Empire Investment iyo madaxweynaha rugta ganacsiga uu la yeeshay ayaa ayaa ku soo dhammaaday guul iyo is-afgarad, iyadoo lagu heshiiyay in kulanka xiga uu ka qabsoomo gudaha dalka Soomaaliya, si loo sii dardargeliyo wadahadallada la xiriira maalgashiga macdanta.






