Algeris – Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Shacbiga Dimuqraadiga ah ee Aljeeriya, Mudane Sifi Ghrieb.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya, adkeynta iskaashiga laba geesoodka ah, iyo horumarinta wada shaqeynta dhinacyada garsoorka, caddaaladda, iyo is-dhaafsiga khibradaha. Labada masuul ayaa isla qaatay muhiimada ay leedahay sii ambaqaadidda iskaashiga ku dhisan walaaltinimo, is-ixtiraam iyo dan wadaag.
Wasiir Xasan Macallin Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo Shacabka Aljeeriya soo dhoweynta diirran iyo martigelinta heerka sare ah ee loo fidiyey isaga iyo wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Wuxuu xusay in kulankan uu xoojinayo saldhigga xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal, islamarkaana uu soo bandhigayo fursado cusub oo iskaashi.
Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya Aljeeriya, Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego).





