Howlgal ka dhan ah Al-Shabaab oo ka Dhacay ee Jubada Hoose

0

Jubada Hoose, Soomaaliya — Agaasimaha Maxamed Axmed Sabriye Basaam ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Jubaland ayaa hogaamiyay howlgal gaar ah oo ka dhacay Howdka Fog ee Badda Madow, Deegaanka Lagta Hola-Wajeer, Degmada Badhaadhe, Gobolka Jubada Hoose, kaas oo lagu jabiyay kooxda Al-Shabaab.

 

Ciidamada Jubaland (JISA) ayaa howlgalkan qorsheysan oo socday afar (4) maalmood ka fuliyay deegaanka, iyaga oo si weyn u naafeeyay Al-Shabaab. Howlgalka ayaa waxaa hawada ka taageeray saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya.

Howlgalkan ayaa lagu burburiyay saldhigyadii qaraxyada, xarumihii saadka, xarumaha isgaarsiinta, iyo keydadkii hubka ee kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay u adeegsan jireen qorsheynta iyo fulinta weerarro ka dhan ah shacabka, isla markaana uga duuli jireen deegaanada Jubaland iyo gudaha dalka Kenya.

Sidoo kale, howlgalka waxaa lagu dilay in ka badan 60 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo ay ku jiraan horjoogayaal, waxaana ciidamada JISA gacanta ku hayaan meydadka 60-kaas xubnood. Intaa waxaa dheer, ciidamadu waxay gacanta ku dhigeen qalab fara badan, oo ay ku jiraan miinooyin noocyadooda kala duwan, maadooyinka qaraxyada, qalabka isgaarsiinta, hub, saanad ciidan, iyo agab kale oo muhiim u ahaa howlgallada Al-Shabaab.

Howlgalkan guusha leh ayaa sidoo kale lagu burburiyay xeryihii saadka, xarumihii isgaarsiinta, iyo keydadkii qaraxyada, iyadoo la qabsaday in ka badan boqol miinooyin kala duwan oo qarxa. Xeryahan ayaa Al-Shabaab ka abaabuleen weerarkii dhawaan lagu qaaday Deegaanka Kudhaa ee Degmada Badhaadhe.

Dowladda goboleedka Jubbaland ayaa u mahadcelisay saaxiibada caalamiga ah ee ku garabsiinaya la dagaalanka Al-Shabaab iyo xoojinta amniga gobolka.

No photo description available.No photo description available.No photo description available.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here